11:00 GMT

16:00 GMT


laasqorey
Somaliawatch.org Somalilandnet.
AllPuntland
Somali Weyn
Somali Globe

Puntland State
Puntland post
dayniile
hiiraan

ruunkinet
Qaranimo.com
Midnimo.com
Somaligalbeed
Mogadishu.com
HornAfrik Online
Somitek
Somali Government
Wadani.com
Somaliwebsite.com
UN-Somlaia

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalkiisa ula dagaalami doono Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya taas oo dhowaan sheegtay in ay ka dambeysay qaraxyadii ka dhacay magaaladda Kampala ee caasimada Uganda.

Shir Jiraa’id uu ku qabtay hoygiisa wuxuu sheegay in Al-Shabaab kala dagaalami doonaan gudaha iyo dibada Uganda ayna soo afjari doonaan.

”…Gudaha Uganda,waanu ka mamnuucayna oo ka saari doona…”,ayuu yiri isagoo intaa ku daray qaarada Afrika aysan marnaba isku dhiibi karin argagaxiisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad uga carooday qaraxyadii ay ku dhinteen 74-qof oo daawanaysay ciyaartii kama dambeysta ee koobka aduunka balse uusan la yaabin.Waa ay dambeeyaan oo waa dad fuleynimo ku jirto.maxaad u weerartaan dadka aan waxba galabsan oo daawanaayay kubad?,ayuu iswaydiiyey.

Museveni ayaa shaaciyey in shirkii Midowga Afrika lagu qaban doono magaaladda Kampala isla markaana uusan baaqan doonin xilli shaki adag laga muujiyey qabsoomida shirkaas oo ay yeelanayaan madaxda wadamada qaarada Afrika.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya laga caawin doono in ay soo afjarto wuxuu ugu yeeray argagaxiisada oo u sheegay in ay garab ka helaan Ururo ka jira Bariga Dhexe.

Shirkiisa Jiraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan ayaa waxaa ugu baaqay dadka reer Uganda in dadka Soomaalida ee ku sugan dalkaasi aysan ku tilmaamin argagaxiiso,balse dadka xirrirka la leh argagaxiisada lasoo xiri doono isla markaana la horgeyn doono cadaalada oo xukun lagu ridi doono.

Magaalada Muqdisho ayaa ku sugan Ciidan ka socda dalka Uganda oo ku howlgalaaya magaca AMISOM oo hoos tega Ururka Midowga Afrika,waxaana ay u joogaan howlo la sheegay in ay la xirriraan arrimo nabad ilaalineed.



QuraanAlkariim(1)
QuraanAlKariim(2)

Boqolsoon
Alqurabaa.com
Somali Islamic.com
Learn about Islam
IVIEWS.COM
Islamic City

Audio
Radio Hargeysa
Radi &TV Djibouti
Radio Dalmar

Radio Golis (RG)
Sagal S. Radio
SomaliRadio
(Sweden)

DR Online
(Denmark)

Somali Radio
(USA)

Focus On Afirca
AfricaWorld
Tonight

ChannelAfrica