|
|
|
Maamulka cusub ee gobolka Banaadir dhawaan loo magacaabay islamarkaasna shalay xilkii la wareegey ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabi doonaan qorshayaal badan oo ay wax uga badalayaan xaalada Magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir islamarkaasna ah duqa magaalada Muqdisho kana tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo warbaahinta la hadalay kadib markii shalay uu Xafiiska la wareegay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Maamulkiisa si uu uga dhabeeyo Hamigiisa siyaasadeed.
Tarsan wuxuu sheegey in marka ugu horaysa uu ku dadaali doono wax ka badalida xaalada amaan ee Caasimada Soomaaliya oo ah imika halka Afrika ugu dhibaatooyinka badan,waxaana uu intaas ku daray in adeegyadii bulshada uu soo celin doono oo uu marka xigta bilaabi doono Qorshayaal Caruurta Soomaaliyeed lagiu daryeelayo.
Inkasta oo uu balanqaadyadaas Warbaahinta & Bulshada si toos ah ugu wada sheegay hada Gudoomiyaha Cusub ee goblka Banaadir ayaa waxaa horyaala shaqadii ugu adkayd oo ah soo celinta degmooyinka Muqdisho oo intoodabadani ay haystaan Mucaaradka dawlada,waxaana uu Gudoomiyahan cusub noqonayaa kii labaad oo mudo Sanad ah Madaxweyne Shariif u magacaabo Gobolka banaadir
|
|
|